HomeCeleberity NewsMoviesVideosPhotosContact Us
1370
Fanaankii Weynaa Ee Sudan Mohamed Wardi Oo Geeriyooday.
2012-02-20 10:59:51


Mid kamida Cusbitaalada Malaada Khartoum ayuu ku geeriyooday habeen hore Fanaanka koobaad ee Sudan Mohamed Osman Wardi oo da'diisu eheed 80-jir, waxaana muddo dheer haayay fanaanka xanuun.

Wardi ayaa kamid ahaa fanaaninta ugu waa waweyn Sudan ee taariikhda soo martay, wuxuuna shacbiyad aan la koobi karin uu ku lahaa Sudan iyo wadamada Africa, waxaana logu naasi jiray Fanaanka Africa.

Fanaanka yaa xanuun cusub ku soo booday 10-kii-February iyadoo  wixii xilgaas ka dambeeyay lagu dabiibayay cusbitaal ku yaala caasimda Sudan ee Khardoum, waxaana uu horay u qabay fanaanku xanuun dhanka Killyaha ah oo ugu dambeyn loo abuuray kadib markii uu Killi ugu deeqay mid kamida taageera yaasha fankiisa oo u dhashay Sudan.

Mohamed Wardi ayaa caan ku ahaa heesaha jeceylka iyo weliba kuwa wadaniga ah, wuxuuna horumar weyn ka geystay  Fanka Sudan iyo weliba Africa, iyadoo dad badi qabaan in uu yahay fanaanka koobaad ee Qaarada Africa wuxuuna shacbiyad aan la koobi karin uu ku leeyahay geesta Africa iyo galbeedka Africa .

Wardi waxa uu ku dhashay 1932-kii magaalo yar oo lagu magacaabo Suradah oo ku taala waqooyiga Sudan wuxuuna ku soo koray agoon nimo iyadoo labadiisa waalid ay dhinteen isagoon gaarin 10 sano, waxa uu ka soo shaqeeyay fanaanku mid kamida Iskuulada hoose oo ku yaala waqooyiga kahor inta uusan u wareegin magaala madaxda Sudan ee Khardoum sanadkii 1958kii.

Fanaanka oo kasoo jeeda qabiilka Nubianka ayaa waxa uu qaaday heeso iyo Nashiidooyin uu kala kulmay in lagu xiro dhibaatooyina loogu geysto xiligii Sudan ay ku jirtay xukunkii Caskariga, wuxuuna horu mar weyn ka geystay afka Nubianka.

Al Fanaan Wardi ayaa Jaamacada Khartoum  waxa ay gu doonsiisay 2005-tii Shahaado sharaf  PHD ah, iyagoo ku siiyay heerka uu ka gaaray noloshiisa faneed iyo in uu fanka ku soo qatay cumrigiisa wax ka badan 60-sano, kuna luqeeyay wax ka badan 300- oo heesood, waxaana lagu tiriyaa in uu ka mid yahay fanaaniinta Sudan  huru marka wanaagsan ka geystay xiligii gumeysiga dhinaca fanka,kedibna ka qeyb qaatay kacdoonkii shacab ee Dictatorkii 1964-kii ilaa 1985kii.

Mohamed Osman Wardi ayaa waxa uu soo maray siyaasada wuxuuna kamid ahaa xisbigii shuuciga Sudan isagoo xarig kala kulmay talliskii "Jaafar Nimeiri" ee todobaayateemadii qarnigii tegay, markii Cumar Al Bashiir uu xilka qabtay 30-kii June 1989-kii waxa uu noqday mucaarad wadanka waa isaga baxay oo waxa uu ku noolaay dalka Masar isagoo ugu dambeyn ku laabtay Sudan 2005-tii.

 

Allaha u naxariistee Mohamed Wardi ayaa lagu aasay madaalada Khardoum waxaana aaskiisa ka soo qeyb galay Madaxweynaha iyo shacabka Sudan oo ugu duceeyay fanaanka in Ilaahey Janadii Fardowso geeyo.


Alamtara Haji

Info@jilaa.com

maanka - 2012-02-20 11:33:16 ilaah ha u naxariisto aduunka dhibkiisa waa uu soo arkee qof walbane maalin uun ayuu aduunka ka tagaa oo waa in aan sahay u qaadano daarul aaqira
maquuste - 2012-02-20 11:53:26 waqt adi sabuurada intee noga buuxinee akshey kumar hakudaqree 15 jeer aa nogu soocel celinee meeshan labo gabdhood ayan kuheesanaa wana idman iyo qalanjo wlh idman its so funy qoralkaada ani comments madhibto badanaa wan aqristaa markasta qosol ayaad igu dishaa anoo xanaqsan hadan jilaa furo an aqriyo qoralkada wan iska qoslaa thank dhamaan asxabta kutaxan jilaa
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
 
 
Xafladii Mac i sii oo dhacday habeenkii Halloween