HomeCeleberity NewsMoviesVideosPhotosContact Us
3247
Akshay Kumar iyo Xaaskiisa Twinkle Khan Makala Tageen?.
2012-02-20 19:32:32


Wax lala yaabo ayay noqotay kadib markii la faafiyay in Akshay Kumar iyo xaskiisa Twinkle Khan ay kala tageen, ilo ku dhaw dhaw labadaan lamaane ayaa laga soo xigtay in xaaladoodu degantahay wax dhibana aysan ka dhax jirin.

Twinkle iyo Akshay ayaa is guursaday sanadkii 2001-dii' wexeyna isku leeyihiin haal wiil oo lagu magacaabo Araav. Akshay ayaa Twiterka ku soo qoray hadal ah: maalinta jeceylka kaliya ayaan jecelnahay hableheyna marka maalintaasi dhamaanata ma ixtiraameyso taasi maaha wax saxan ee jeclaada xaasaskiina si fiicana u kool kooliya sida aniga oo kale.


Sidaas darteeda waxaa meesha ka muuqata in Akshay iyo xaaskiisu ay isku wanaagsanyihiin wax dhiba aysan ka dhax jirin, Akshay ayaa laga soo xigtay in waxaas ay yihiin wax kama jiraan aan sal iyo raad leheyn, isagoo yiri ma ogin meesha laga keenay hadaladaas qurunka ah.

Akshay iyo  Twinkle ayaa ah laba ruux oo si wanaagsan isku fahamsan daacadna isku ah, waxaana dhinaca kale arintaan ka hadlay afayenka Akshay kaas oo ku tilmaamay wax aan jirin isagoo sheegay in Akshay Kumar uu hadda la joogo qoyskiisa wax dhibana aysan ka dhax jirin, wararkaana ay yihiin been abuur oo qura.


Jilaa.com

Info@jilaa.com

Be the first to comment on this article
Name
Email
Notify me when someone comments on this article.
 
 
Xafladii Mac i sii oo dhacday habeenkii Halloween