|
|
2103 | Tweet |

Fanaanada caanka ah ee reer Lubnan Nancy Ajram ayaa si lama filaana uga jawaabtay hadaladii kasoo yeeray Waziirka Hiddaha iyo Dhaqanka Tunisia kaas oo sheegay in aan Nancy Ajram lagu arki karin bandhiga ka dhacaaya Tunisia ee lagu magacaabo Qarthage.
Nancy ayaa salaan u dirtay Wasiirka iyadoo kedibna ka dalbatay in uu u sheego sababta uu uga mamnuucay bandhiga, iyadoo sii raacisay mar weliba wasiirku xaq buu u leeyahay in war kiisa la raaco laakiin waxaa lama huraana in sababta keentay in bandhiga lay diido la ii sheego, waxaa kale oo ay fanaanadu taabatay in Wasiirku yahay shaqsi laga jecelyahay bulshada dhaxdeeda weligiisna uusan sheegin in mashaakil kala dhexeeyo Fanaaniinta.
Wasiirkaan ayaa ku dhawaaqay hadalo dood dhaliyay kadib markii uu sheegay in uu ka mamnuucay in fanaanadaan reer Lubnan ay kasoo qeyb gasho mahrajaankaan, laakiin Nancy ayaa isku qancisay in hadalada wasiirku u yihiin dhankeeda guul, iyadoo dhinaca kale fanaanadu ka qeyb geli doonto bandhiga ka dhici doona dalka Marocco bisha June ee soo socota.
Jilaa.com
Info@jilaa.com